DHAGEYSO:- Ciidamada Kenya oo bilaabay dhaq dhaqaaq ay kaga baxayaan Kismaayo

1

Ciidamada dowladda Kenya ayaa Magaalada Kismaayo ka bilaabay dhaqdhaqaaqyo ay doonayaan in ay kaga baxaan Magaalada Kismaayo.

Ilo lagu kalsoon yahay oo ku sugan Magaalada Kismaayo ayaa xaqiijiyay in saakay ciidamada dowladda Kenya ay waddaan dhaqdhaqaaqyo u muuqda in ay kaga guurayaan Magaalada Kismaayo meelaha ay ka jooggaan.

Ciidamada dowladda Kenya ayaa ku sugan meelo muhiim ah sidda Garoonka iyo sidoo kale Dekedda Magaalada Kismaayo.

Maalmihii lasoo dhaafay ayay Wadeen ciidamada Kenya dhaqdhaqaaqyo ay kaga baxayaan Saldhigyadda ay ku leeyihiin degaanada maamulka Jubbaland.

Horay waxaa ay kaga baxeen Magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

HOOS KA DHAGEYSO

Comments are closed.