Wafdi ka socda Maamul Goboleedyada dalka oo maanta ku wajahan Kismaayo

0

Waxaa lagu wadaa maanta in magaalada Kismaayo ee xarunta KMG ah ay gaaraan wafdi ka socda qaar ka mid ah maamul goboleedyada dalka,sida Horshabeelle,Hirshabeelle iyo Puntland.

Wafdigaan ayaa ka qeyb gali doona Shirka Axadda ka furmaya Magaalada Kismaayo ee looga hadlaayo Siyaasadda maamul goboleedyadda.

Waxaa uu sidoo kale lagu waddaa in maanta Magaalada Kismaayo ay gaaraan xubno ka socda beesha Caalamka.

Magaalada Kismaayo ayaa hadda waxaa ku sugan Wafdi uu hoggaaminaayo Madaxweynaha Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo wafdi kale oo hordhac ah u maamulka Hirshabeelle oo uu hogaaminayo Wasiirka Arimaha gudaha maamulkaasi.

Shirka maalinta Axada ka furmaya magaalada Kismaayo ayaa ujeedkiisu waxay tahay sidii xal looga gaari lahaa khilaafka iminka soo kala dhex galay maamul goboleedyada dalka iyo Dowladda dhexe.