TOP DHAGEYSO : “Cabduqaadir Ziidii”Suurtagal Maahan In Dad Aan Waligood Barakicin Ay Maanta Qaxaan”

0

Cabduqadir Maxamed Nuur Ziidii”Gudoomiyihii hore ee Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ka hadlay dhibaato uu sheegay in ay xiligaan heestaan dadka Shacabka ah ee ku nool deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha hoose kadib markii dhowr jeer todobaad Gudihiis ay ku dagaalameen Ciidamada dowladda iyo kuwa Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in Saraakiisha Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM in looga baahan yahay in ay ciidamada ka saaraan gudaha deegaanka Bariire balse ay wanagsan tahay in ay geeyaan duleedyada deegaanka si hadii lagu dagaalamo aysan waxyeelo u soo gaarin Shacabka.

Shir Jaraa’id uu Maanta Warbaahinta ugu qabtay Magaalada Muqdisho ayaa waxa uu sidoo kale dalbaday in la dhiso buundada deegaanka Bariire oo ay Al-Shabaab dhawaan burburiyeen, mana la aqbalayo dad mudo dhowr iyo labaadan Sano aan waligood barakicin in ay hadda qaxaan.

Ugu dambeyn waxa uu u tacsiyeeyay Ciidamadii dhawaan ku geeriyooday werarkii xooggana oo ay Al-Shabaab ku soo qaadeen deegaanka Bariire.

Hooos ka Dhageyso Shirka Jaraa’id ee Cabduqadir Maxamed Nuur Ziidii