TOP DHAGEYSO : Xildhibaano ka digay in xiisad siyaasadeed laga abuuro Koonfur Galbeed

0

Xildhibaano ka tirsan labada Gole ee Dowladda Federaalka oo ka soo degaanada Koonfur Galbeed oo ku sugan magaalada Baydhabo ayaa ka digay in xiisad siyaasadeed laga abuuro degaanada maamulka uu ka taliyo.

Xildhibaanadan oo shalay gaaray magaalada Baydhabo ayaa waxa ay kulamo waqti dheer qaatay la yeesheen Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka, kaasi oo looga hadlay xiisada siyaasadeed ee ka taagan Koonfur Galbeed.

Xildhibaanadan ayaa waxa ay sheegeen ujeedka ay u tageen magaalada Baydhabo inay tahay sidii loo dhameyn lahaa xiisado siyaasadeed oo ay wadaan xildhibaano iyo siyaasiyiin, kuwaasi oo saluugsan hab maamulka Shariif Xasan.

Xuseen Sheekh Maxamuud oo ka tirsan Baarlamaanka Aqalka Sare oo la hadlay Risaala, kadib kulamada ay la qaateen Madaxda Koonfur Galbeed ayuu sheegay in ay ka digayaan xiisad siyaasadeed in laga abuuro Koonfur Galbeed,wuxuuna Dowladda ku eedeeyay in ay ka tahay ololaha ka dhanka ah Shariif Xasan.

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa u muuqda mid ka walwalsan in uu saameeyo khilaafyada siyaasadeed ee maamuladii isaga ka horeeyay soo hareeyay sida Hirshabeelle iyo Galmudug.

Maalmihii u dambeeyay hadal heyn badan oo bulshada dhexdeeda ah ayaa waxa ay aheyd in maamulka Saddexaad ee ay saameyn karto arrimaha khaliijka uu yahay maamulka Koonfur Galbeed, inkastoo Shariif Xasan looga bartay inuu ka dabaasho xaalad kasta oo siyaasadeed.