MASAR oo si lama filaan ah uga hadashay Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

0

Dowladda Masar ayaa si kulul uga hadashay saldhiga militari ee dhawaan Turkiga uu ka furay Degaanka Jaziira ee Duleedka Magaalada Muqdisho.

Wasiirka Arimaha Dibadda ee Dowladda Masar, Sameh Shoukry ayaa ku tilmaamay saldhiga militari ee laga furay Soomaaliya mid lagu handadayo danaha Xukuumadda Qaahira.

Waxaa Wasiirka uu intaasi ku daray in Turkiga uu isbalaaran wado, waxaana tusaalle u soo qaateen saldhiga Turkiga uu ka furtay Dalka Qadar.

“Waa xaqiiq in Saldhigan cusub ee laga furay Duleedka Muqdisho uu u muuqdo mid lagu handadayo danaha Masar”, sidaasi waxaa yiri Wasiirka Arimaha Dibadda ee Xukuumadda Qaahira, Sameh Shoukry.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Xukuumadda Ankara oo ku aadan warkan ka soo yeeray Dowladda Masar.

Saldhigan militari ayaa Xukuumadda Soomaaliya waxey ku sheegtay mid lagu tababari doono kumanaan askari oo ka mid ah Ciidamada Xoogaga Dalka Soomaaliya.

Sikastaba, Turkiga oo ka mid ah dalalka saaxiibka dhow la ah Soomaaliya ayaa haatan u muuqda in uu ka qeyb qaadanayo dib u diska Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliya.