DHAGEYSO:- Kooxda Daacish oo sheegatay Weerar ka dhacay Boosaaso.

0

Kooxda Daacish ee ka dagaalanta deegaanada Puntland ayaa sheegatay inay ka dambeyso weerar xalay ka dhacay magaalada Boosaaso, kaasi oo lagu dilay  hal qof oo shacab ah, waxaa kaloo weerarkaas ku dhaawacmay Taliye ku xigeenka Saldhigga Baalade ee magaalada Boosaaso Laba-xidigle Cabdiraxmaan Barre Saalax iyo nin shacab ah.

Weerarkan ayaa wuxuu ka dhacay goob lagu shaaheeyo oo ku taalla isgoyska far irdood ee magaalada Boosaaso.

Maamulka Puntland ayaan weli wax war ah ka soo saarin dhacdadaan.

Goobjoogayaal ay sheegay in ay baxsadeen nimankii weerarka geystay.

Taliye ku xigeenka iyo ninka shacabka ah ayaa dhaawacooda waxaa lagu dabiibayaa isbitaalka magaalada Boosaaso.

 

HOOS KA DHAGEYSO