DHAGEYSO:-Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo u kala jabay laba garab kadib go’aankii Maxkamada Sare ee Galmudug.

0

Wararka naga soo gaaraya saaka magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee mamaulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ay ku kala qeyb sameen go’aankii Maxkamadda Sare ay ku ansixisay dhammaanba xil ka qaadistii Madaxweynaha Galmudug, Ku xigeenkiisa iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka in ay yihiin kuwo sharci ah.

Warkan ayaa inraasi waxa uu ku darayaa in Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Galmudug ay qaarkood sheegeen in uu saxan yahay go’aanka Maxkamadda Sare, halka qaarkoodna ay sheegeen in warkaasi uu yahay mid la soo dhoo dhoobay oo waxba kama jiraan ah.

Xildhibaan Duraan Jaamac oo ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug lana hadlay Warbaahinta gudaha dalka ayaa sheegay in uu sax ahaa go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare ee Galmudug, ee ay ku taageertay xilka qaadistii (Xaaf), balse ay muhiim tahay in dib loo eego mida Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Dhinaca kale Go’aanka ka soo baxay Maxkamadda Sare waan ayid sanahay ee Madaxweyne (Xaaf) ay xilka uga qaadeen, laakiin arrinta Madaxweyne ku xigeenka iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka sharci ahaan in loo fiiriyo ayay rabtaa.” Ayuu yiri xildhibaan Duraan Jaamac.

Isku soo wada duuboo go’aamadan is diidan ee ka soo kala baxaya xubno ka tirsan Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ayaa sii hurinaya khilaafka siyaasadeed ee maamulka Galmudug.

 HOOS KA DHAGEYSO

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media