DHAGEYSO:- Wasiirka Beeraha iyo Waraabka ee Soomaaliya oo kulan la qaatay gudoomyaha hey’adda Turkiga ee Turkiga.

0

Wasiirka Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Xuukuumadda F. Somaaliya Mudane Saciid Xuseen oo safar shaqo ku jooga dalka Turkiga ayaa kulan la qaatay xarunta dhaxe ee hay”adda Tika, Guddoomiyaha Hay”addaaasi, sidoo kale waxaa goob joog ka ahaa Danjiraha Soomaaliya ee Turkiga Jaamac Cabdulaahi Caydid.

Wasiirka Beeraha Soomaaliya iyo Dr.Serdar Cam, Gudoomiyaha Heyadaha Horumarinta Caalamiga ee loo soo gaabiyo TIKA, ayaa kulanka ay yeeshan waxaa ay ugu wada hadleen iskaashiga ka dhaxeeyo labada dal, sidii kor loogu qaadi lahaa isla amrkaana sare loogu qaadi lahaa Mashaariicda horumarineed oo Hay”adda TIKA ka waddo Soomaaliya.

Mudane Saciid Xusen Wasiirka Beeraha ayaa uga mahad celiyay Dowladda Turkiga iyo gaar ahaan Heyadda TIKA mashaariicda badan ee ay ka fuliyeen Soomaaliya kuwaasoo isugu jira dhinacyada caafimaadka,Waxbarashada iyo kaabayaasha dhaqaalaha.

Wasiirka Beeraha ayaa bogaadiyay Hay”adda TIKA sida ay kaalin muuqata uga qaadatay la dagaalanka cunto yaraanta iyo wax soo saarka dalagyada beeraha.

Gudoomiyaha TIKA Dr.Serdar ayaa dhinaciisa muujiyay siday ay diyaar ugu yihiin kordhinta mashaariicda horumarineed ee Soomaaliya, isagoo sheegay in Beerahu ay ahmiyad gaar ah u leeyihiin dib usoo kabashada dhaqaalaha Soomaaliyed.

Gaba gabadii ayaa labada Mas’uul ku heshiiyeen in la sii wado qorshaha iskaashi ee labada dhinac.

HOOS KA DHAGEYSO