DHAGEYSO:- Sarkaal sare oo Muqdisho lagu Dilay

1

Xalay magaalada Muqdisho waxaa lagu dilay Sarkaal ka tirsan Ciidamada xooga dalka oo lagu magacaabi jiray Gaashaanle Dhexe Maxamed Cali Mursal.

Kooxo hubeysan ayaa ku weeraray meel ku dhow gurigiisa, iyagoo ka dibna dilay sida ay inoo xaqiijiyeen dadka deegaanka.

Cumar C/llaahi Xasan oo ah Guddoomiyaha Degmada Wadajir oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in ay socdaan baaritaano ku aadan cidii ka dambeysay falkaasi dilka ah, isagoo sheegay in maalmaha soo socda gacanta lagu soo dhigi doono cidii ka dambeysay.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO

Comments are closed.