DHAGEYSO : Maraykanka oo sheegay in uu ka soo baxsaday dalkeeda nin weerar ka geystey dalka Canada

0

Dowlada Maraykanka ayaa sheegtay in dalkeeda uu ka soo baxsaday muwaadin Soomaaliyeed oo qaxootinimo loogaga diiday wadanka Maraykanka sanadkii 2011 toddobaadkana weerar ay shan ruux ku dhaawacmeen ka geystay dalka Canada.

Cabdulaahi Xasan Shariif oo weerar uu adeegsaday baabuur iyo mindi ku dhaawacay shan ruux oo uu askari Canadian ah kujiro ayaa hore loogaga diiday qaxootinimo dalka Maraykanka sida uu sheegay sarkaal u hadlay dowlada Maraykanka.

Sarkaalkan ayaa sheegay in Cabdulaahi Shariif uu ka soo baxsaday dalka Maraykanka xilli la doonayay in dib loogu celiyo dalka Soomaaliya kadib markii uu ku guuldareystey codsigiisa ah in qaxootinimo loogaga ogolaado dalka Maraykanka.

Hase yeeshee dowlada Maraykanka ayaan sheegin in Cabdulaahi Shariif uu xiriir la lahaa ururada argagaxisada.

Si kasta ha ahaatee Cabdulaahi Shariif ayaa maxkamad ku taal magaalada Edmonton waxa ay ku eedeysay inuu galay dambiyo ay ka mid yihiin isku day dil waxaana lagu wadaa in Talaadada soo socota la soo taago markale Maxkamad Edmonton.

Muwaadiniin asalkoodu yahay Soomaali ayaa hore weeraro argagaxiso ka geystey dalal ku yaal qaarada Yurub,Australia iyo wadanka Maraykanka.