DHAGEYSO : Dabley Hubeysan Oo Sarkaal Ka Tirsanaa Minishiibiyada Ku Dilay Muqdisho

0

Sarkaalkaan oo ka tirsanaa Ciidanka Minishiibiyada ee qaabilsan qaadista Lacagaha Canshuuraha dowladda Hoose ayaa kooxo hubeysan waxa ay ku toogteen Suuq Bacaad oo ka tirsan Degmada Yaaqshid.

Wararka ayaa sheegaya in Dilka Sarkaalkaas oo aan Magaciisa la shaacin uu ka dhacay meel u dhow Bosteejo ku taalla Suuq Bacaad, halkaas oo u joogay howlo shaqo.

Dableyda falkaan geysatay oo ahaa Rag ku hubeysnaa Bastoolado ayaa xaqiijiyeen in meesha wax ka dhaceen isaga baxsadeen.

Waxaana dilka kadib goobta soo gaaray Ciidamo ka tirsan kuwa Ammaanka degmada Yaaqshid oo baaritaanno halkaas ka billaabay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Saraakiisha Ammaanka iyo Maamulka degmada Yaaqshid ee ku aadan falkaasi dilka ah.