TOP DHAGEYSO:- Gudoomiye ku xigeenka Maxkamada Galmudug oo Beeniyay inuu wax ka og yahay Go’aankii Gudoomiyaha

0

Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ee Galmudug iyo xubno kale oo ka tirsan Garsoorka ayaa ka hor yimid go’aanka Guddoomiyaha, kadib hadal ay siiyeen warbaahinta.

C/qaadir Maxamuud Cilmi Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare ayaa sheegay go’aankii Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye uu baal maray nidaamka garsoorka, islamarkaana uusan qeyb ka aheyn warka ka soo baxay.

Wuxuu sheegay C/qaadir Maxamuud in Yaxye uu mar hore ka tagay Maxkamadda, go’aanka ka soo baxayna uu yahay mid ku kooban, oo aan Maxkamadda ka soo bixin.

“Halkan waxaan ka cadeynayaa Guddoomiyaha warkaas laga sheegayo inaan waxba ka ogeyn, sal iyo raadna uusan laheyn, been abuurna yahay, aanan is arak, xilka Guddoomiyaha horey ayuu uga tagay Yaxye.” Ayuu yiri Guddoomiye ku xigeenka Maxkamadda Sare.

HALKAAN KA DHAGEYSO