XOG+DHAGEYSO: Madaxweyne Farmaajo oo safar ugu ambabixi doona dalka Sudan.

0

Madaxweynaha Jamhuuriyada federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamd (Farmaajo) ayaa la filayaa inuu safar ku tago Magaalada Khartoum ee dalka Sudan, sida ay xaqiijiyeen Saraakiil ka tirsan Villa Somaliya.

Wafdi horudhac u ah Madaxweynaha Somaliya ayaa ka ambabaxay Magaalada Muqdisho, kuwaasi oo u sii socda dalka Sudan, si ay bari qayb uga noqdaan wafdiga Madaxweynaha halkaasi ku soo dhaweynaya.

Farmaajo ayaa ujeedka Socdaalkiisa lagu sheegay ka jawaabista dalab martiqaad ah oo kol hore uga yimid dhanka Dowladda Sudan, wuxuuna halkaasi kula soo kulmi doona madaxda dalkaasi.

Madaxweynaha JF Somaliya ayaa sidoo kale la soo kulmi doona Jaaliyadda Somaliyed ee dalkaasi Sudan, oo haddaba ku hawlan soo dhaweynta Wafdiga Madaxweynaha ee Beri oo Arbaco ah tagaya dalka Sudan.

Dhinaca kale Madaxweyne Farmaajo ayaa muddooyinkii dambe wuxuu booqasho ku maarayay dalal ka tirsan kuwa Gobolka oo Somaliya xiriir dhaw ay la leedahay si loo adkeyo xiriirka dhanka wada shaqeynta ah ee dalalkaasi Somaliya ay la leedahay.

Isku soo wada duuboo dalka Sudan ayaa ka mid ah dalalka sida wanaagsan xiriirka ula leh Dowladda Federalka Somaliya.

HOOS KA DHAGEYSO