Ninkii ka dambeeyay weerarkii Las vegas oo gurigiisa & Hotelka uu deganaa laga helay 42 Qoryo.

0

Booliska Magaalada Las Vegas ee dalka Mareykanka ayaa baaris ay sameeyeen waxa ay ku sheegeen inay heleen hub aad u fara badan oo uu isticmaalaayay, ninkii gaystay toogashada dhiiga badan ku daatay ee Magaalada Las Vegas.

Ninka weerarka fuliyay ayaa la sheegay inuu koray dabaqa 32-aad ee hotelka Mandalay Bay, halkaasi oo uu dadka kasoo toogtay asaga oo wata qori nooca daran dooriga u dhaca ah.

Tirada dhimashada ayaa mareysa 59 ruux oo dad shacab ah halka dhaawacana uu gaarayo 527 ruux oo u badnaa dadkii ku sugnaa goobta uu ka socday Bandhig faneedka.

Booliska ayaa qolkii uu Hotelka ka deganaa Stephen Paddock oo 64 jir waxa iyo gurigiisa ka helay hub cadadkiisa uu gaarayo 42 qoryo kala duwa, waxaase illaa hadda la iswaydiinaya sababta ninkaan ku kaliftay falkaa uu gaystay.

Madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump ayaa amray in calanka dalka Mareykanka hoos loo dhigo, iyadoo la muujinaayo tacsida dadka badan ee halkaasi lagu dilay.

Dad badan ayaa Isbitaalka Magaalada Las vegas ku sugan si ay dhiig ugu shubaan dadka kale ee dhibanayaasha ah oo u baahan gurmadka walaalahooda.