DHAGEYSO WAREYSI: Xaaf oo si deg deg uga hadlay Go’aankii Maxkamada sare ee Galmudug ku aqbashay xil ka qaadistiisa

3

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf ayaa ka soo horjeestay go’aankii Maxkamada sare ee Galmudug ay ku aqbashay Xilka qaadista Madaxda Galmudug.

Xaaf ayaa sheegay in Galmudug aysan laheyn wax maxkamad ah arintaana ay tahay qorshe la soo abaabulay, qoraalka la soo saarayna uu yahay waxba kama jiraan.

Xiisada ka taagan magaalada Cadaado ayaa cirka isku sii shareereysa, waxaana saacad kasta soo baxaya isqabqabsi iyo hadalo iska soo horjeeda.

 

 

 

 

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO WAREYSIGA KADIB GO’AANKA MAXKAMADA.


HALKAN GUJI KA DHAGEYSO  Xaaf ” Maxkamada Sare ee Galmudug waa iney Soo Faragalisa Af-gambiga Laygu Hayo “

Hoos ka akhriso magacaabida Gudoomiyaha Maxkamada Sare ee Galmudug

Sida kaaga muuqata warqadaha hoose, Madaxweynihii hore ee Galmudug Xaaf waa ku qanacsanaa, waana taageersanaa Maxkamada sare ee Galmudug markii ay ay soo saartay warkan oo ay u yeertay Madaxweyne ku xigeenka, gudoomiyaha Baarlamaanka iyo Xildhibaanada, balse maanta markii go’aan ka dhan ah isaga  ay soo saartay waxa uu yiri Maxkamad sare kama jirin Galmudug.

Comments are closed.