DAAWO SAWIRRO: Xildhibaano booqday askartii lagu soo dhaawacay dagaalkii Bariire

0

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa booqasho ku tagay Isbitaalka Madiina ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo lagu daaweynaayo askartii ku soo dhaawacantay dagaalkii ka dhacay deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose, Jimcihii la soo dhaafay.

Xildhibaanada booqday ciidanka dhaawaca ah ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaa Mahad Maxamed Salaad, Xildhibaa Axmed Macalin Fiqi, Xildhibaan Warsame Maxamed Xasan (Joodax), Xildhibaan Cabdi Xasa Cawaale (Qaybdiid) Iyo Gudoomiye Ku xigeenka labaad ee Golaha Aqalka Sare ee dalka Abshir Bukhaari.

Waxa ay soo eegeen Xildhibaanadan dhaawaca askarta, waxaana ay sidoo kale warbixin ka dhageysteen Dhaqaatiirta Isbitaalka Madiina si ay u ogaadaan xaalada Bukaanada Ciidanka ah.

Askartii dhaawaca uu soo gaaray ayaa Xildhibaanada uga sheekeeyay qaabka dagaalkii Bariire loogu soo qaaday iyo askartii halkaasi ku geeriyootay.

Xildhibaanada tagay Isbitaalka Madiina, ayaa u balan qaaday askarta dhaawaca inay garab istaagi doonaan, sidoo kalena ay kala qayb qaadan doonaan sidii ay ula qaybsan lahaayeen dhibaatada askartaasi soo gaartay.

Xoogaga Shabaab ayaa weeraro qorsheysan ku qaaday Jimcihii la soo dhaafay laba Xero oo Ciidanka Xoogga dalka Somaliya ku leeyihiin Deegaanka Bariire ee Gobolka Shabellaha hoose halkaasi oo ay ku dileen ciidamo badan.

Shabaab ayaa sheegtay weerarkaasi inay ku dileen in ka badan 30 askari oo ka tirsanaa Ciidanka Xoogga dalka Somaliya.