CAJIIB : Rakaab kala cararay markuu nin akhriyay kitaabka masiixiyiinta !

0

Rakaab saarnaa tareen ayaa xoog ku furay albaabka oo kala yaacay iyadoo xilli mashquul badan lagu jiro ka dib markii ay aad u cabsadeen.

Waxay arrintaasi ka dhacday boosteejada tareenka laga raaco ee Wimbledon oo ku taalla koonfurta-galbeed ee magaalada London, ka dib markii uu nin rakaabka ka mid ah billaabay in uu kor u akhriyo sadaro ka mid ah kitaabta kiristaanka ama baybalka.

Rakaabkii ayaa cabsaday markii ninkaasi uu billaabay in uu dhaho “geeridu kama dambays ma aha”, sida uu sheegay qof ka mid ahaa rakaabka.

Fiilooyinkii koronta tareenka ayaa go’ay iyadoo ay rakaabku “lafahooda la baxsadeen” sida ay booliisku sheegeen.

Tareennadii khadkaas adeegsan jiray ayaa hakad galay ku dhawaad 12 saacadood, laakiin hadda si caadi ah ayay u shaqaynayaan.

Ian, oo saarnaa tareenka ayaa sheegay in ninkii kitaabka Kiristaanka ama baybalka akhrisanayay uu sababay “jahwareerka” iyo “kala yaaca”.

Wuxuu sheegay in qof rakaabka ka mid ah uu ninkaas u sheegay in uu hadalka joojiyo maadaama “oo uu dadka ka cabsiinayay” intaas ka dibna “ninkiina sidaas ayuu hadalkii ku joojiyay isaga oo madaxa raaricinaya”.

Booliisku waxay sheegeen in aan qofna loo xirin dhacdadaas.

Afhayeen u hadlay tareenka ayaa sheegay in rakaabka iyo shaqaalihii tareenka aysan midkoodna ku dhaawacmin.