Shabaab oo mar kale dagaal labo saac socday ku qaaday Bariire

0

Weerar madaafiic ku bilaawday ayaa xalay Al-Shabaab waxa ay ku qaadeen fariisin Ciidamada dowladda Soomaaliya ku leeyihiin  deegaanka Bariire ee Gobolka Shabeellaha Hoose .

Dadka deegaanka ayaa Warbaahinta waxa ay u sheegeen in weerarka kadib uu bilaawday dagaal socday mudo ku dhaw laba Saacadood in kastoo aysan cadeyn karin khasaaraha ka dhashay dagaalka dhex maray labada dhinac.

Ciidanka dowladda ee ku sugan deegaanka Bariire ayaa waxaa weli laga dareemayaa khasaarihii ka soo gaaray weerarkii maalma ka hor kaga yimid dhanka Al-Shabaab.

Masuuliyiinta Maamulka Gobolka Shabeellaha Hoose ayaan xiriir la sameynay si aan wax uga weeydiino dagaalkaas balse kama jawaabin taleefoonadeena.

Al-Shabaab ayaa waxa ay horay u sheegeen in weerarkii hore loogu aargudayay 10 ruux oo horay loogu dilay deegaanka Bariire Dadka deegaanka ayaana waxa ay sheegayaan in ay cabsi soo wajahday.