DAAWO SAWIRRO:- R/wasaare Kheyre oo Goordhow xariga ka jaray Saldhiga Turkiga ee Muqdisho

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya iyo taliyaha Guud ee Ciidamada dowladda Turkiga ayaa xariga ka jaray Goor dhow Saldhigga ay dowladda Turkiga ay ka furatay Muqdisho.

Munaasabadda Furitaanka Saldhigga ayaa waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaare Xasan cali Kheyre, Xildhibaano iyo taliyaha Guud ee Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed Gen Cirfiid.

Saldhiggaan ayaa lagu tababari doono ciidanka qaranka ee Soomaaliya.

Saldhigaan ayaa markiiba marti galin kara kun iyo shan boqol oo askari.

Waxaa Saldhigga uu ku yaalla degaanka Jazeera ee duleedka Magaalada Muqdisho.

Dhismaha Saldhigga ayaa bilowday Sanadkii 2015-tii waxaana lagu dhisay lacag ka badan 50 Milyan oo Dollar.