DAWLADDA SOOMAALIYA MARBAY KHALDANTAY EE MARKALENA MA KHALDAMI DOONTAA?

0

Waxaan la soconnaa sida uu ku sameysmay maamulka Galmudug waxaanna jeclaan lahaa in aan marka hore taariikh yar oo guudmar ah ka bixiyo maadaama aan xog ogaal u ahaa.

Waqtigii Xasan Sheekh Maxamuud ayay beelaha ka soo jeeda Galgaduud oo aysan ciduna ka maqneyn isugu tageen caasimada Galgaduud ee Dhuusomareeb. Dadka halkaas isugu tagay oo isugu jiray culumo, odayaal, dhallinyaro, Ugaasyo iyo bulshada qaybeheeda kala gadisan ayaa waxay ka tashanayeen sidii ay beeluhu u heshiin lahaayeen meeshana looga saari lahaa waxyaabaha la kala qabo ama la kala tirsanayo si loo sameysto maamul heshiis lagu yahay loona dhanyahay.

Nasiibdarro waxaa shirkii ka soo duldhacay Madaxweynihii hore Xasan Sheekh iyo xertiisii Damjadiid oo uu ujeedkoodu ahaa in ay iyagu gacanta ku dhigaan waxkasta oo laga hirgalinayo deegaannadaas maadaama ay u diyaar garoobayeen doorashada madaxweynenimada qaranka oo markaas kusoo fool laheyd. Shirkii dhuusomareeb oga soconayay sida habsamida leh waxaa loo wareejiyay degmada Cadaado dadkiina waxaa la kaxeystay qaar waxaana laga tagay qaar.

Waxaa Cadaado ka biloowday shirar iyo murano qabyaaladeysan dadkii markii hore isfahamsanaana waxaa soo kala dhex galay khilaaf qabyaalad ku saleysan. Dawladdii Xasan Sheekh iyo Damjadiid waxay qabaailladii ka dhex sameysteen Ugaasyo iyo nabadoono iyo siyaasiyiin magac uyaal ah oo aan cidna matalin. Waxaa la bixiyay laaluush waxaana la sameeyay baarlamaan dadka u kala sadburinaya oo aan ku saleysneyn deegaan, qabiil, iyo aqoon midna.

Ugu danbeyn waxaa la dhisay maamul ku kooban degmada Cadaado. Sida xaqiiqada ah majirin maamul la dhisay ee waxaa lagu khasbay baarlamaankii laaluushka lasiiyay in ay labada hogaan ee sare doortaan Galmudug oo horay u jirtayna loo aqoonsado maamulka cusub ee ka arrimin doona deegaannadaan. Taasoo macneheedu yahay ma jirin wax maamul ah oo la dhisay ee Galmudug oo ka jiri jirtay qayb mudug kamid ah ayaa loo soo xawilay Galgaduud.

Dadkii reer Galgaduud way ka biyo diideen qaabka dulmiga ah ee ay dawladda Xasan Sheekh wax u maqooraday taasina waxay keentay dagaallo ka dhacay Dhuusomareeb, Caabudwaaq, Xeraale iyo meelo kale. Dhuusomareeb waxaa looga dhawaaqay maamul, Caabudwaaqna waxaa looga dhawaaqay maamul uu ujeedkiisu ahaa in lagu mucaarado shaqsiyaadka taageersan Galmudug. Galgaduudii dadkeedu heshiiska ahaa, Ahlu Sunnadii dadku ku mideysnaa iyo rajadii laga lahaa deegaanadaas way istaagtay waxayna noqotay fadhiid. Ilaa iyo markii Galmudug lagasoo xawilay Gaalkacyo ilaa iyo markii Cabdikariim Guuleed shaqada laga eryay Galgaduud waxay aheyd gabaahirig waxaana si riwaayad ah oga jiray maamulka Galmudug.

Waxaaba lamoodaa in ay dawladdii Xasan Sheekh ugu talogashay in ay doorashada ku galaan oo kaliya, waxaana taas ku tusaysa sida aysan dastuurka u waafaqsaneyn iyo sida ay Galmudug u burburtay markii Xasan Sheekh doorashadii looga adkaatay. Allah ka sokoow in ay Galmudug bilo sii joogto markuu Cabdikariim Guuleed baxay waxaa masuul ka ahaa dawladda hada joogta oo sidii tii hore marlabaad afduubtay dadka reer Galgaduud.

Khaladka ay sameysay dawladda haatan talada haysa waxay aheyd in ay dadka deegaamadaan dagan oo dhan u afduubto maamul aartifishal ah oo cid taageerta iyo cid dhisatay midna aysan jirin. Iyadoo dad gaar ah qancinaysa ayay ku tumatay xuquuqdii dadka reer Galgaduud oo dhan. Sidii dawladdii ka horreysay oo kale ayay isla maamulkii Galmudug ee ka jiray koofurta gaalkacyo u ogolaatay in uu Galgaduud ka arrimiyo iyadoon dadka reer galgaduud waxba laga waydiin. Sida saxda ah waxay aheyd in dadka deegaamadaan dagan ay si lagu wada raalli yahay u dhistaan maamul aan magac gaar ah iyo cid gaar ah wadan. Hadii laga tanaasulay Ximan iyo Xeeb, Central State iyo AhluSunna majirto sabab loo sii wato Galmudug.

Su’aashu waxay tahay marka, dawladda federaalku ma kusoo celin doontaa khaladkii ay markii hore sameysay ee ahaa eexda? Haddii ay kusoo celiso waxaa xaqiiqo ah in ay iyaduna waayi doonto shacabka deegaannadaas oo dhan loona aqoonsan doono dawlad musuqmaasuq badan sidii tii ka horreysay.

Talada aan u soo jeedinayo dawladda iyo reer Galgaduud waxaa weeye sida tan;

1. Baarlamaanka hadda Cadaado jooga ha fariisteen xilkana ha ka qaadeen Hogaamiye Xaaf maadaama uu sharcigii ku tuntay.

2. Madaxweyne ku xigeenka Maxamad Xaashina ha ka qaadeen xilka maadaama uu qayb ka ahaa hogaan-xumadii labadii hogaamiye ee uu la shaqeynayay.

3. Intaan cidkale la dooran dawladdu ha kulansiiso Baarlamaanka gobolka iyo AhluSunna hana laga wada xaajoodo sida loo habeyn karo loona dhameystiri karo baarlamaanka hada jira loogana dhigi karo mid loo dhanyahay lagana wada raalli yahay markaasna soo doorta madaxweyne iyo Madaxweyne ku xigeen.

Halkaas waxaa kasoo baxaya dawlad macna leh iyo dad mideysan oo ku sugan caasimadda runta ah ee Dhuusomareeb.

Hadii aan sidaas layeelin waxwaliba sida ay hadda u xanibanyihiin bay u xannibnaanayaan. Cadaado ma rabto in loo guuro caasimadda saxda ah ee Dhuusomareeb, koofurta Gaalkacyana wali waxaa laga aamisanyahay Galmudug in ay tahay maamul ay beeshu si gooni ah u leedahay waana sax oo Galmudug iyagaa dhistay oo dhawaanbaa Galgaduud loo soo xawilay.

 

W/Q: Cabdi Aadan Cabdulle (Cabdi Faasil).
Cabdi.Faasil@gmail.com