Shir Maanta ka furmaya Magaalada Garoowe

0

Magaalada Garoowe ee caasimadda maamulka Puntland ayaa waxaa lagu wadaa in uu ka furmo shir looga hadlayo mideynayo lacagaha canshuraha dowlad goboledyada.

Shirkan ayaa waxaa ka qeyb galaya Masuuliyiin ka socota Wasaaradda Maaliyadda Soomaaliya iyo dhammaan Wasiirada maamul goboleedyada dalka, kuwaasi oo gaaray magaalada Garowe.

Agaasimaha Guud ee Wasaradda Maaliyadda Soomaaliya Jacfar Maxamed Axmed oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in Garowe uu ka furmayo shir wadatashi ah oo dhanka Maaliyadda ah.

Shirkan oo Magaalada Garowe ka socon doono sida uu qorshhuhu yahay Saddex maalmood ayaa waxaa la filayaa in laga soo saaro gaba gabada war murtiyeed ay ku heshiiyeen xubnaha ka qeyb galaya shirka.