DHAGEYSO+SAWIRRO:- Garoonka Diyaaradaha Magaalada Muqdisho oo Habeen shaqo bilaabay 27 Sano ka dib

0

Soomaaliya oo muddo dheer u soo taagneed dagaal iyo fowdo oo ay ku weysay kumanaan Shacab ah ayaa sanadihii ugu danbeeyay sameysay hormar dhinacyada bulshada iyo dhaqaalaha ah waxayna taas ay fududeysay in markii ugu horeysay Xalay Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Muqdisho shacab ka soo dagaan.

Mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaaliya saraakiisha amaanka iyo shacab badan ayaa xalay goob joog u ahaa markii Muqdisho ay soo caga-dhigatay Diyaarad rakaab ah oo ka soo duushay Dalka Sacuudiga.

Diyaarada ayaa Garoonka ka soo degtay 8:00 Pm xiliga muqdisho waxaana saarnaa shacab soo Gutay waajibaadka Xajka.

Madaxdii ku sugneed Garoonka diyaaradaha ee magaalada muqdisho oo Warbaahinta la hadlay ayaa ku tilmaamay talaabo wanaagsan oo hore loo qaaday.

In Garoonka magaalada Muqdisho uu Habeen shaqeeyo ayaa waqti badan waxaa giliyay Dowladii hore ee Madaxweyne Xasan Shiikh Maxamuud waxaana wixii ka dhanaa shaqadii qabyada aheyd oo ay ka tagtay Maamulkii Madaxweyne Xasan dhameestiray Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo.

Muqdisho Diyaarad Shacab kama aysan soo dagin wax ka badan 27 sano markaas oo ay bur burtay Dowladii Soomaaliya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO