DHAGEYSO : Shir Looga Hadlayay Howlgalka AMISOM Oo Lagu Qabtay Magaalada Abuja

0

Shirkan oo looga hadlayay xaalada howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxuu ka dhacay Magaalada Abuja ee Caasimada Dalka Nigeria.

Madax ka kala tirsan Urur Goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS iyo Ururka Midowga Afrika ayaa ka qeyb galay shirkaasi lagu qabtay Magaalada Abuja.

Waxaa looga hadlay Shirkan sida ugu wanaagsan ee fekerada ay isku dhaafsan karaa Madaxda Ururada Midowga Afrika iyo ECOWAS.

Madaxa Arimaha Siyaasada iyo Amniga ee Urur Goboleedka ECOWAS, Halima Ahmed ayaa sheeegtay in muhiim ay tahay in ay xogaha is dhaafsadaan labadan AMISOM iyo ECOWAS.

Waxaa ay shaacisay in howlgalka AMISOM uu yahay mid lagu taageerayo Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Shacabka, iyadoo intaasi ku dartay in howlgalka AMISOM uu sidoo kale sameeyay howlo kale oo lagu gurmayo Shacabka Soomaaliyeed.

Madaxa howlaha AMISOM, Adebayo Kareem oo madasha ka hadlay ayaa waxuu sheegay in howlgalka uu u socdo si wanaagsan, islamarkaana wax badan looga qabanayo dhibaatooyinka gudaha ka heysta Soomaaliya.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu carabka ku adkeeyay in dadaallo caaalami ah iyo mid gobolba uu socdo sidii taageero dhan waliba loo siin la haa Dowladda Federaalka Soomaaliya, si buu yiri markale loo helo Nabadii Soomaaliya.

Sikastaba, Howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM oo ka socda Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ayaa waxaa lagula Dagaalamayaa Xarakada Al Shabaab oo weli ku sugan qeybo ka mid ah Dalka Soomaaliya .