DHAGEYSO:- Al-Shabaabkii shalay soo Weeraray Baladxaawa oo duqeyn lagu laayay

0

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Duqeyn Diyaaradeed oo ka dhacday degaano hoosyimaada degmada Beled-xaawo ee ka tirsan gobolka Gedo, sida ay sheegayaan mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland.

Guddoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Maxamed Xuseen Al-qaadi ayaa sheegay Duqeyntan oo lagu beegsaday xubno ka tirsan Shabaab in ay si gaar ah uga dhacday degaano ay ka mid yihiin Qabar-sheeq iyo Bur-sagaar.

Wuxuu sheegay Guddoomiyaha Duqeyntan in khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac lagu gaarsiiyay Dagaalyahano ka tirsan ururka Al-Shabaab, loogana gubay ila Saddex gaari oo ay lahaayeen.

Guddoomiye Al-qaadi ayaa sidoo kale sheegay Duqeyntan in ay fuliyeen Diyaarado laga leeyahay dalka Kenya, hadana ay ku guda jiraan baaritaanada la xiriira khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay iyo magacyada xubnaha lagu dilay.

Hoos ka Dhageyso Codka:-