Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka oo go’aan Culus ka soo saaraya arrinta Qalbi-dhagax

0

Waxaa maanta magaalada Muqdisho kulan looga hadlayo Arinta Qalbi dhagax ku yeelanaya Xildhibaanada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya,waxaana Arintaan la tilmaamayaa iney culeys hor leh ku tahay Xukuumadda.

Kulanka Xubnaha Golaha Aqalka Sare oo maanta Isniin ah dhacaya ayaa waxaa Ajandihiisa ugu horeeya uu yahay, arrinta Sarkaalka jabahada ONLF C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi-dhagax), sida uu sheegay Guddoomiyaha Aqalka Sare.

Cabdi Xaashi C/laahi Guddoomiyaha Aqalka Sare ayaa sheegay in Goluhu uu go’aan ka soo saari doono sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankii Xukuumadda ay ku sheegtay in (Qalbi-dhagax) uu yahay Argagixiso.

“Ajandahaha Guddiga joogtada uu ka hadlay waxa weeye ka doodista go’aankii Xukuumadda ay gaartay ee ku saabsanaa u gudbinta C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax ee Itoobiya loo gudbiyay iyo Xukuumadda go’aanka ay ka soo saartay weeye, kaas aan rabno inaan Aqalka geyno, waxaana ka soo saari doonaa go’aan sax iyo qalad wuxuu yahay go’aankaas xukuumadda ay gaartay” Ayuu yiri Cabdi Xaashi.

Golaha Wasiirada Soomaaliya oo 6-dii bishan kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho ayaa waxa ay sheegeen (Qalbi-dhagax) inuu xiriir lahaa Al-shabaab, uuna yahay Argagixiso, sidaasina ay ugu wareejiyeen Itoobiya.