Dowladda Soomaaliya iyo Pakistan oo xoojinaya xiriirka ka dhaxeeya

0

Safiirka Soomaaliya ee dalka Pakistan haweeneyda lagu magacaabo Khadija Mohamed Almakhzami ayaa sheegtay in waddankeeda uu doonayo in uu xoojiyo xiriirka kala dhexeeya Pakistan ee dhinacyada kala duwan.

Waxay sheegtay mas’uuliyiinta Pakistan in ay dib u xaqiijiyeen taageerada joogtada ah ee Pakistan ay siiso xukuumadda Soomaaliya, xuduudkeeda dhuleed iyo madax-bannaanideeda, sida lagu xusay Baaqa Islaamiga ee lagu ansixiyay Shirka Islaamka ee Dibadda (ICFM).

“Xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Pakistan waa mid wanaagsan, maxaa yeelay waxaan ilaalinaa mabda’a ixtiraamka iyo kalsoonida, waxaanan leenahay tixgelin is dhaafsi.” Waxaa sidaas tiri Danjiraha Soomaaliya ee dalka Pakistan.

Sidoo kale Marwo Khadiija ayaa waxay sheegtay in Pakistan iyo Soomaaliya ay si gaar ah uga wada shaqeyn doonaan dhinacyo kala duwan sida Beeraha iyo Kalluumeysiga, Tamarta, Caafimaadka, Maaliyadda, Waxbarashada, Dalxiiska, Gaadiidka, iu isgaarsiinta.