DHAGEYSO:- Imisa Musharax Ayaa Isku Diiwaangelisay Madaxweynanimada Hir-Shabeelle?

0

Gudoomiye ku xigeenka Guddiga doorashooyinka Maamulka Hir-Shabeelle ayaa faah faahin ka bixiyay halka uu marayo diyaar garoowga doorashada Madaxweynaha Maamulkaas iyo Musharixiinta isdiiwaangeliyay.

Abuukar Xasan Cali Maqaneey ayaa marka hore beeniyay Warar sheegayay in dib loo dhigay xiliga ay dhaceysa doorashadaas,isaga oo sheegay in doorashada waqtiga loogu talo galay ay ku dhaceyso.

Waxa uu sheegay in ilaa iyo hadda ay isdiiwaangeliyeen ilaa 5 Musharax oo u taagan qabashada xilka madaxweyninimada Maamulka Hir-Shabeelle, si 12 Bishaan oo ku beegan Maalinta Talaadada ah ay doorashada ku dhacdo.

Hoos Ka Dhageyso Wareysiga