WAR DEG DEG AH:- Kulan xasaasi ah oo ka socda Xafiiska Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre

0

Wararka inaga soo gaaraya Xafiiska Raiisal Wasaaraha Somaliya Xasan Cali Khayre, ayaa sheegaya inuu halkaasi ka socdo kulan xasaasi ah oo u dhaxeeya Raiisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada Xukuumadda Somaliya.

Kulankan oo looga hadlaayo arrimo xasaasi ah oo ku saabsan xiisadaha Siyaasadeed ee ka dhex taagan Dowladda Federalka Somaliya, ayaa wuuxu qaatay saacado badan.

Raiisal Wasaare Xasan Cali Khayre, ayaa lagu soo waramayaa inuu laba mar ka soo baxay Shirka, kadibna uu aaday dhanka Xafiiska Madaxweynaha Somaliya, halkaasi oo daqiiqado uu ku maqnaa, kadibna uu ku soo laabtay Shirka.

Suxufiyiinta ku sugan Xarunta Xafiiska Raiisal Wasaaraha dalka ayaa ku soo waramaayo in si aad ah loo hadal haayo sheeko ku saabsan xil ka qaadis.

Inkastoo aanan si dhab ah loo ogeyn arrimaha shirka uu salka ku haayo, haddana waxaa la dareemayaa in shirka uu yahay mid xasaasi ah oo Raiisal Wasaaraha iyo Golaha Wasiirada u dhaxeeya.

Gudoomiyaha Aqalka Sare ee dalka Cabdi Xaashi Cabdillaahi ayaa tagay goobta shirka uu ka socdo, wuxuu madasha joogay muddo ku siman 10-daqiiqo, kadibna waa uu ka soo baxay.

Suxufiyiinta ayaa lagu amray inay ku sugnaadaan banaanka Xafiiska Ra’iisal Wasaaraha dalka oo shirka marka uu soo dhamaado Warbaahinta lala wadaadi doono waxyaabaha madaxda ay ka wada hadleen.

Xiisad Siyaasadeed oo meel xasaasi ah gaartay ayaa u dhaxeysa Madaxda Dowladda Federalka Somaliya, taasi oo ka dhalatay arrinta C/kariin Qalbi Dhagax oo Dowladda Itoobiya lagu wareejiyay.