TOP DHAGEYSO:- Cali Khaliif oo Dowladda Soomaaliya Ku Eedeeyay in ay Faragelin Ku Heyso Maamulkiisa

0

Hoggaamiyaha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland in faragelin Siyaasadeed ay ku hayaan Maamulkooda.

Waxa uu sheegay in heshiisyo dhowr mar wada galeen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland ay ka mid ahaayeen in meel looga soo wada jeesto dowladda iyo Maamulka Puntland faragelinta ay ka wadaan Gobolada Sool iyo Sanaag sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kale waxa uu hadalkiisa ku daray in Magaalada Buuhoodle sidoo kale aysan u ogolaan doonin ay tagaan Siyaasiyiin ku lug leh dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

HALKAAN KA DHAGEYSO