WARBIXIN:- AMISOM Maxay Ka Dhaxashay Duullaanka 10 Sano Jirsaday?

0

Hogaamiyaha Ugu sareeya Ururka Al-Shabaab Sheykh Axmad Cumar Abuu Cubeydah ayaa kalimad uu jeediyay kaga hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo halka ay hadda wax marayaan.

Ugu horrayn wuxuu soo hadal qaadka halka uu salka ku haayo duullaanka ay ciidamada shisheeye kusoo qaadeen dalka Soomaaliya iyo xasuuqii ciidanka Mareykanka ay dhawaan ka geysteen deegaanka Bariise ee gobolka Sh/Hoose.

Amiirka Al-Shabaab ayaa hadalkaan ku soo beegay munaasabada ciidul Adxa,wuxuuna dagaalyahanada Al-Shabaab ku dhiira geliyay iney sii kordhiyaan dagaalka ay kula jiraan Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo AMISOM.

Kalimadan oo ku baxeysa luuqadaha English-ka, Sawaaxiliga iyo Soomaaliga ayaa ugu horeyn wuxuu sheekhu dadka Muslimiinta guud ahaan si gaar ah ‘Al-Shabaab’ ugu hambalyeynayaa munaasabadda ciidda, ka dibna wuxuu u si qotodheer kaga hadlayaa duullaanka Ciidamada AMISOM ku soo qaadeen dalka iyo waxa AMISOM ka dhaxleen dagaalka 10 sano jirsaday ee ka socda dalka.

“Faragelinta uu Mareykanku ku hayo Soomaaliya waxay gaartay heerkii ugu sareysay abid taariikhda Somalia taas oo halis ku ah jiritaanka Umaddan iyo madaxbanaanideeda” ayuu yiri Sheekh Abuu Cubeydah. Wuxuu tilmaamay “In Mareykanka uu saldhigyo ka sameystay wadanka, uuna soo dhisay ciidamo calooshood u shaqeystayaal ah oo uu isaga si toos ah u maamulo iyo maamulo dabadhilifyo ah oo siyaasadoodu ku dhisan tahay marin habaabinta bulshada, boobka kheyraaka iyo dhagrida umadda Muslimka ah si ay Umadda ugu hogaamiyaan dhabbe mugdi ah oo ugu dambeyn dhaxalsiin doona diin la’aan, damiir xumo faqri, Jahli, qabyaalad, kala qoqobnaan iyo hurinta dagaal xuduudeed aan dhamaan.

AMISOM Maxay Ka Dhaxashay Duullaanka 10 Sano Jirsaday?.

Mar uu soo hadal qaaday Duulaanka Ciidamada AMISOM ee galay sanadkii 10aad ayuu yiri: “Waxaa inoo Muuqanaya Allaah fadligiisa in ay ahdaaftii loo soo igmaday ee ahaa burburinta ku dhaqanka shareecada Islaamka iyo ciribtirka Jihaadka iyo Mujaahidiinta ay ku hungoobeen una suurtagali weysay”.

“Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyey hoog iyo halaag joogta ah, wuxuuna soo ifbixiyey kala duwanaanta ahdaaftooda siyaasadeed iyo damacooda gumeysi dhanka kalena wuxuu Allaah tacabkoodii ka dhigay mid Khasaaray, Maamuladii ridada ahaa oo fashilmay iyo musuq maasuq baaxadweyn oo hareeyey waaxyada dowlad ku sheega Soomaaliyeed”.

“Duullaanka wuxuu dhanka kale Muujiyey tabardarida ciidankooda iyo aragti xumada hogaankooda siyaasadeed, waxaa dhamaan burburay heybadii ay sheeganayeen kuna faanayeen, waxaa hareeraha wadooyinka daadsan haraadigii gawaarida gaashaamanaa oo ay miinadu gaashaan tirtay, waxaa intaa dheer muuqaalada baqtiga ciidankooda, burburka gaadiidkooda, baroorta maxaabiistooda iyo eheladii ay ka dhasheen iyo weliba beenta madaxdooda ee buux-dhaafshay shabakadaha Internetka iyo waxa ay ugu yeeraan baraha bulshada”.

“Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyey dhiigbax isugu jira naf iyo dhaqaale intaba xilli ay qarka u saaran yihiin in ay dalka isaga cararaan.Duullaanku wuxuu dhaxalsiiyey in jidadka lagu ugaarsado, saldhigyadoodana lagu daato, hubkoodii iyo agabkoodiina laga laga faramaroojiyo, Waxaana Allaah mahadiis ah in maanta ay marayaan ciidamadaan taagta daran ee xerooyinka ku oodan xaalad aad u liidata oo gaartay heer ay awoodi la’yihiin in ay gudbistaan raashiinka iyo biyaha.Duulaanku wuxuu dhaxalsiiyey haziimo nafsi ah halkii ugu sareysay taas oo hareysay quluubtooda hurdana u diiday, hankoodiina hal bacaad lagu lisay ka dhigtay.

Waa qeyb ka mid ah War uu soo saaray Hogaamiyaha ugu sareeya Ururka Al-Shabaab oo la dhageysan karo 27 daqiiqo.