TOP DHAGEYSO:- Waxgarad taageeray maamulka Hiiraanland

0

Waxgaradka gobolka Hiiraan ayaa taageeray maamulka Hiiraanland oo uu ku dhawaaqday Madaxweynihii maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Cosoble.

Waxa ay sheegeen Waxgaradkaasi in dowladda Soomaaliya ay burburisay maamulka Hirshabeelle.

Gobolka Hiiraan ayay sheegeen in loo kala qeybiyay labo,islamarkaana ay ku dhawaaqdeen maamulka Hiiraanland.

Cali Cabdullaahi Cosoble oo dhawaan gaaray Magaalada Baledweyne ayaa ku guulestay in uu halkaasi ka dhiso maamul cusub oo ka madaxbanaan Hirshabeelle.

Cosoble ayaa wali Aaminsan in uu yahay Madaxweynaha rasmiga ah ee maamulka Hirshabeelle, islamarkaana xilka ka qaadistii lagu sameeyay ay sharci daro aheyd.

HALKAAN KA DHAGEYSO