TOP DHAGEYSO:- M/weyne ku xigeenka Puntland Oo Sheegay In Al-Shabaab Xukunkooda Ka Shaqeeyo Soomaaliya Kuna Eedeysay Diidmada Shilinka Soomaaliga

0

Cabdixakiin Xaaji Cumar Cameey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland ayaa sheegay in dhibaatada keentay in la diido lacagta Shilinka Soomaaliga ay masuul ka yihiin Al-Shabaab.

Waxa uu sheegay in diidmada lacagta Shilinka marka hore laga bilaabay in laga diido deegaanada gobolada Koonfureed gaar ahaan deegaanada ay maamulaan Al-Shabaab taas bedelkeedana dadku ay isticmaalayeen lacagta dollarka.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in marka laga reebo deegaanada Maamulkooda Puntland deegaanada kale ee Soomaaliya uu ka Shaqeynayo Xukunka Al-Shabaab sida uu hadalka u dhigay.

Hadalka Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa imaanaya xili dhawaan deegaanada Puntland ay ka taagneed caqabad ka dhalatay diidmada lacagta Shilinka Soomaaliga taas oo ay ka qeyla dhaamiyeen Madaxda Puntland.

Hoos ka Dhageyso Codka Madaxweyne ku xigeenka Puntland