DHAGEYSO: WAREYSI:- ONLF oo Xaqiijisay Halka uu Ku Xiran yahay Qalbi Dhagax.

0

Cabdiqadir Shekh Xasan Hirmooge (Cadaani) oo ah afhayeenka Jabhadda Xoreynta Ogaadeenia ee ONLF ayaa sheegay In Cabdikariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo kamid ahaa saraakiishii Soomaaliya, sidoo kalane kamid ah Jabhadda ONLF lagu hayo xarunta Wardoonka Ethiopia.

Xarunta Qalbi Dhagax lagu hayo ayuu sheegay in badi la geeyo xubnaha jabhadooda katirsan ee Ethiopia loo gacan galiyo, muddo 2-sano ah ayuu sheegay in xaruntaasi lagu hayo, kadibne loo gudbiyo xarumaha amaankooda la adkeeyey.

Xarunta Wardoonka Ethiopia ayuu ku sheegay in ay tahay xarun ciidamada Ethiopia ay ku su’aalo weydiiyaan mas’uuliyiinta ONLF ee xaruntaasi la geeyo, kahor inta aanan xabsiyada loo wareejin.

Cabdulqaadir Sheekh Xasan Hirmooge (Cadaani) Af-hayeenka Jabhadda ONLF oo ka hadlay Go’aankii Qalbi Dhagax Ethiopia loogu gacan galiyey ku sheegay in ay mas’uuliyeeda leeyihiin afar xubnood oo katirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

1-Max’ed Cabdullaahi Max’ed (Farmaajo) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya.

2-Xasan Cali Kheyre Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

3-Cabdullaahi Max’ed Cali (Sanbaloolshe) Taliyaha Hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliyeed.

4-iyo Bashiir Maxamed Jaamac (Goobe) oo ah La taliyaha dhanka amaanka Madaxweyne Farmaajo.

Af-hayeen Cadaani ayaa sheegay in maamulada Puntland, Somaliland iyo Ahlu Sunna looga bartay in Ethiopia ay u dhiibaan xubnaha jabhadooda, balse waxa uu nasiib daro ku tilmaamay in Dowladda federaalka ay ku biirto xubnaha Jabhadooda Dowladda Ethiopia u gacan galinaya.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO