DHAGEYSO WAREYSI:- Al-Shabaab oo lagu eedeeyay in ay laayeen Ugaasyo

0

Al-Shabaab ayaa lagu eedeeyay in ay labo oday dhaqameed ay ku dileen Magaalada Ceel-Waaq ee gobolka Gedo.

Odayaashan oo si weyn looga yaqaanay degmadaasi, ayaa waxaa guryahooda ku weeraray Koox hubeysan oo la aaminsan yahay in ay ka tirsan yihiin Al Shabaab, kuwaa oo markii dambe ku dilay Suuqa Buusaar ee Magaalada Ceel-Waaq.

Gudoomiye ku xigeenka gobolka Gedo Cismaan Nuur Xaaji ayaa sheegay in Al-Shabaab ay ka dambeeyeen dilka waxgaradkaasi.

Waxaa uu sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya ay waddaan howlgallo kala duwan oo lagu baadigoobayo Kooxihii ka dambeeyay dilka Odayaashaasi.

Sababta lagu dilay labadan nin, ayaa waxaa lagu sheegay iyagoo dhawaan dalka Kenya kaga qaybgalay doorashadii madaxtinimada, ee 8-dii bishii hore ee August ka qabsoomtay dalkaasi.

HALKAAN KA DHAGEYSO