DHAGEYSO:-Wararkii ugu Dambeeyay Dabkii Caawa Ka Kacay Suuq Bacaad

0

Fiidnimadii Caawa ayaa Dab ka kacay Xaafada Suuq Bacaad ee degmada Yaaqshiid Gobolkaan Banaadir dabkaas oo la sheegay in uu ka bilaawday markii hore dabka Korontada.

Mid ka mid ah Ganacsatada halkaasi ku sugan ayaa sheegay in Dabka intiisa badan uu ku faafay qeybta Sarifka ee Suuq Bacaad,islamarkaana uu goobo kale ku sii faafayo.

Sidoo kale waxa uu shegay in rasaas farabadan ay ridayaan ciidamo ka tirsan dowladda  sidoo kalena suuqa ay ka socoto Bililiqo uuna indhihiisa ku arkayo.

Wararkii ugu dambeeyay ee hadda nasoo gaaraya ayaa waxa ay sheegaayn in Gawaarida damdemiska ay halkaasi gaareen kuwaas oo ku guuleestay in debkaasi ay demiyaan.

Hoos Ka Dhageyso Faah faahinta oo dhamestiran iyo Ganacsadaha