DHAGEYSO: Simikaarada ay Bixiyaan Shirkadaha Isgaarsiinta oo Loo Adeegsado Qaraxyada Ka Dhaca Muqdisho

0

Wasiirka Boostada iyo Isgarsiinta Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Canshuur Xasan ayaa sheegay in mararka qaar markii ay qaraxyada dahcayaan lagu arko Simikaarada Shirkadaha Isgaarsiinta dalka,isla markaana dowladda aysan arkin cid iskaleh.

Sidoo kale waxa uu sheegay in dowladda in xiligaan wixii ka dambeeya ay ogaan doonto cida lahaanshaha simikaarkaas.

Ugu dambeyn wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in Sharciga Isgaarsiinta dalka uu fududeyn doono in hal Simkaar lagu Waco dhamaan Shirkadaha Isgaarsiinta dalka.

Hoos Ka Dhageyso Codka Wasiirka