DHAGEYSO: M/weyne Farmaajo oo sheegay Hal sabab oo Markasta Amni darada Horseedeysa

0

Maxamed Cabdullaahi Farmaajo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya ayaa sheegay in Shaqa la’aanta ka jirta dalka Soomaaliya ay sababi karto in dhalinyarada Soomaaliyeed ay dhaqaalo ka raadiyaan waxyaabo lidi ku ah dhanka amniga.

Waxa uu sheegay in taas bedelkeeda si looga gudbo looga baahan yahay dadka qurba joogta ah in ay dalkooda ku soo laabtaan isla markaana maalgashadaan si dhalinyarada Soomaaliyeed ay uga helaan Shaqa abuur.

Hadalkaan ka soo baxay Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo,ayaa daba jooga hadalo horay sidaan oo kale uga soo baxay Madaxda dalka taas oo ku aadan in ay qurba joogta Soomaaliyeed ee Maalgashadaan dalkooda.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha Soomaaliya