TOP DHAGEYSO:- Goormee Ayaa Lasiideyn Doonaa Maxaabiistii Laga Keenay Dalka Itoobiya?

0

Wasiirka Wasaaradda Amniga Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow Ducaale oo Waraabhinta la hadlayay ayaa ugu baaqay Ciidamada Amniga dalka in ay siweyn u xaqiijiyaan amniga inta lagu guda jiro Maalmaha Ciida.

Waxa uu sheegay in ciidamada laga doonayo in ay suurtageliyaan in Shacabka ay sinabad ah ugu Ciidaan Magaalada Muqdisho taasina ay dowladda Soomaaliya gaar ahaan Wasaaradda amniga dadaal farabadan ku bixin doonto.

Dhanka kale Wasiirka oo sii hadlayay ayaa sheegay in marka laga baxo maalmaha Ciida ay xuriyadooda heli doonaan maxaabiistii dhawaan laga keenay dalka Itoobiya kuwaas oo hadda Gacanta dowladda ku jira.

Waxa uu sheegay in Maxaabiistaan laga qori doono feylal intaas kadibna ay mgaaladooda dhinac ka geli doonaan sida uu hadalka u dhigay.

HALKAAN KA DHAGEYSO