DHAGEYSO+SAWIRRO:- M/weyne Farmaajo oo La Dardaarmay Ciidamada Xoogga Dalka

0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaliya Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo qeyb ka mid ah maalintiisa Ciidda la qaatay lana qadadeeyay Cudubyo ka tirsan Ciidan Xoogga Dalka ayaa ku ammaanay doorka Ciidamada oo isugu jira Difaaca Dalka iyo garab istaaga Shacabka.

“Waxaan maanta halkan idin kugu imid in aan idin soo booqdo aan arko sidaad u nooshihiin, idin la ciido waxaan idiin sheegayaa in aa tihiin astaantii Qaranka ilaalinaayay Madaxda Dalka ,waajibaadka idin saaranna uu yahay mid Culus”ayuu yiri Madaxweynaha JFS

Madaxweyne Farmaajo ayaa arin xusuus mudan ku tilmaayay talaabadii dhawaan uu qaaday Ururka 60-aad ee Ciidamada Xoogga Dalka oo qeyb ka mid ah mushaarkooda ay ugu hibeeyeen Qoosas dan yar ah.

“Runtii waxaan aad idin kugu mahad calinayaa sidaad usu xilqaanteen ayaan dhaweed oo aad mushaaradiina ugu goyseen dadka masaakiinta ee liinta, waxayna muujineysaa in aad quluubta kala socotaan dadka Masaakiinta ah, waan howsha laga rabo in uu sameeyo qofka Ciidanka ah”ayuu raaciyay Madaxweyne Farmaajo.

Hoos Ka Dhageyso Codka Madaxweynaha