R/wasaare Kheyre oo Cadeeyay 26-masuul oo Xilka laga qaadi doono

0

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Kheyre ayaa ka dhawaajiyay in xilalka laga qaadi doono 26 Agaasime Guud ee Wasaaradaha, isagoo tilmaamay in boosaskaas la xayeysiin doono.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa xalay ka qeyb galay Barnaamijka Kulanka Saxaafadda iyo Xukuumadda oo su’aalo lagu weydiinayay, wixii u qabsoomay Xukuumaddiisa iyo balan-qaadyadii ay sameysay.

Kheyre ayaa sheegay inuu ka dhabeyn doono balan-qaadkiisa markii uu Baarlamaanka hortagay dadka mustaqbalka dowladda u shaqeynayo lagu soo xuli doono karti iyo hufnaan.

“Waa la xayeysiin doonaa 26 Agaasime ee Wasaaradaha, waxaa loo saari doonaa Guddi Wasiiro iyo dad xirfadlayaal ka socda Bulshada, si hufan oo furan ayaa loo shaqaaleysiin doona dadka ugu mudan, uguna aqoonta fiican ee dalkaan hormarin kara, dalkaan is bedel ayuu u baahan yahay”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Mr Kheyre ayaa sheegay in Agaasimaha Guud ee Wasaaradda uu la mid yahay sidii Dhaqtar ama Engineer, isla markaana loogu tala galay inuu noqdo qof xirfad leh, si uu Wasaaradaha u kala wado.

“Agaasimaha guud ee wasaaradaha waxaa uu la mid yahay dhaqtar ama engineer waa qof xirfad leh oo loogu tala galay in wasaaradaha uu kala wado, haddii aad dhaqtar aadeyso, kama fikirtid dhaqtarkaas qabiilkiisa yaa waaye. dhaqtar fiican ma yahay, sababtoo ah caafimaadkaga inaa ku dadaasho ayaa rabtaa, waxyaabaha aan u baahanahay waa in Agaasimayaasha guud inay ahaadaan dad xirfad leh oo lagu soo xulay aqoon, karti iyo hufnaan”ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Kheyre.

Inta badan Agaasimayaasha Guud ee Wasaaradaha ayaa ah kuwo muddo ku fadhiyay xilalka ay hayaan, waxaana qaarkood ay u badan yihiin Agaasimayaal ka awood badan Wasiirada oo ku yimid qaab awood qeybsiga beelaha.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay su’aal la weydiiyay oo aheyd inuu isku shaandheyn ku sameynayo Wasiiradiisa, isagoo xusay in aan xilligan u qorsheysneyn isku shaandheyn.