R/wasaare Kheyre “Cidna ma dhihin Wasiirada warbaahinta lama hadli karaan”

0

Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Federaalka Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in aysan cidna dhihin Wasiirada lama hadli karaan Warbaahinta, balse loo baahan yahay marka laga hadlayo arrimo xasaasi ah in la wadatashado.

Wuxuu sheegay Khayre Wasiirada in ay ka hadli karaan arrimaha la xiriira Wasaaradahooda, balse muhiim ay tahay marka ay doonayaan in ay ka hadlaan arrimo kale in si wadajir ah looga wadatashado, maadaama masiirka dalka laga hadlayo.

Khayre ayaa hadalkan ka sheegay kadib kulan loogu magac daray Xukuumadda iyo Saxaafadda oo xalay ka dhacay Madaxtooyada Soomaaliya, kaasi oo su’aalo lagu weydiinayay Ra’iisul Wasaaraha iyo qaar ka tirsan Wasiiradiisa.

“Cidna ma dhihin Wasiirada warbaahinta lama hadli karaan, laakiin hadii ay arrintu tahay mid meelo kala duwan galeysa in loo baahan yahay in la wadatashado, maadaama laga hadlayo masiirka dalka.” Ayuu yiri Khayre.

Arrinta la xiriirta in Wasiirada ay soo maraan xafiiska Ra’iisul Wasraaha marka ay doonayaan in ay ka hadlaan arrimo xasaasi ah, ayaa waxa ay timid, kadib markii dhacdadii Bariire Wasiiro ka tirsan xukuumadda ay uga hadleen siyaabo kala duwan, dhacdadana ay aheyd mid qura.