DHAGEYSO WARBIXIN:- WARBIXIN: Su’aalihii Ugu Adkaa Ee La Weydiiyay R.W. Kheyre Iyo Sida uu Uga Jawaabay

0

Wariyaal ka socday warbaahinta soomaallida iyo tan caalamiga ah ayey xukumadda Soomaaliya u ogolaatay in ay weydiiyaan Su’aalo ku saabsan wax qabadkooda iyo xaaladda wadanku uu marayo.

Waxa ay ahayd markii ugu horeysay oo raisal wasaaraha iyo xubno ka mid ah Golihiisa wasiirada ay saxaafaddu su’aalo weydiiso.

Su’aalaha la weydiiyey xukuumadda oo la xiriiray Amiga, dhaqaalaha, Musuqa, Siyaasadda dibadda iyo tan gudaha waxaa ka mid ahaa arrin guux badan dhalisay oo ahayd in dowladda Soomaaliya ay itoobiya u gacan galisay Sarkaal muhiim ah oo ka tirsan Jabhadda ONLF, Taliyaha nabad sugidda oo ra’isal wasaaraha ka xigsaday jawaabta su’aashaas ayaa diiday in ay fahfaahin ka bixiyaan arimahaas waxa uuna yiri.

“Arrinka la xiriira sarkaalka la sheegay in uu ONLF yahay ee dowladdu wareejisay sida aad la socotaan waa arin xasaasi ah oo ay tahay in waqtigeeda iyo goobteeda looga jawaabo”

Dhawaan dowladda Soomaaliya waxaa isu soo dhiibay Abuu masnuur roobow oo ka mid ahaa madaxda Alshabaab, waxaa soo baxay warar sheegayey in wada hadal uu u socdo Abuu Mansuur iyo dowladda, raisal wasaaraha ayaa la weydiiyey nooca wadahadal ee socda marba haddii uu isi soo dhiibay Roobow raisal wasaare kheyre ayaana yiri.

“wadahadalkaas waxa uu lugta ama salka ku hayaa in aan raadino ama baarno sidii aan ku heli lahayn qaab aan uga faaiideysanno cid walba, markii uu soo dhammaado wadahadalkaas isaguna maadaama hadda aan ku heshiinay in aan bil walba kulano ayaan idiin soo bandhigi doonaa, waa wadahadal ku salaysan danta dowladda soomaaliyeed iyo danta amniga umadda Soomaaliyeed” Kheyre

Jaamac Nuur oo ka socday Tv-ga Aljaziira ayaa waxa uu raisal wasaaraha weydiiyey waxa ay ka ogyihiin in Ciidamada Xasilintu ay dadka shacabka ah ee Gawaarida wata weydiiyaan aqoonsi dowladeed, Maxamed C/laahi sanbololshe taliyaha nabad sugidda ayaa qiray in arintaas ay jirto kuna tilmaamay mid khalad ah, wuxuuna intaas ku daray in ay wax ka qaban doonaan.

Dhawaan Hirshabeele iyo puntland ayaa qaadacay mowqifkii dowladdu ay ka qaadatay arinta khaliijka taas oo muujineysa wada shaqayn xumo ka dhaxeysa dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada, aragtida xukuumadda ee arintan ayuu ra’isal wasaaruhu ka jawaabay waxa uuna yiri.

“dastuurka umadda Soomaaliyeed haddii aad aragto qodobadiisa waxaa jira shaqooyin loo igmaday dowladda federaalka shaqooyinkaas waxaa kow ka ah siyaasadda arrimaha dibadda, sidaas daraadeed waxaan rabaa in aan kuugu nasteexeeyo marka ay madaxweynaha iyo xukuumadda iyo madaxda qaranka ee jooga Magaaladda Muqdisho ay gaaraan go’aan go’aankaas waa mid dastuuri ah oo uu noo igmaday dastuurka umadda Soomaaliyeed” Raisal wasaaraha.

 

 

Wasiirka aminga soomaliya Maxamed Abukar islow ducaale oo isna ka jawaabay su’aalo laga weydiiyey amiga Dalka gaar ahaan muqdisho, waxa uu sheegay in 3 bil ee ugu dambeysay dowladdu ay sameysay qorshayaal amni kuna guuleysatay in ay ka hortagto falal amniga wax u dhimi lahaa oo isugu jira, qaraxyo, weeraro toos ah, dilal qorsheysan iyo hanjabaadyo.

Su’aalaha ka I yimid amniga waxaa ka mid ahaa sida xukuumaddu amniga uga shaqayn karto iyada oo xafiisyadoodu ay ku kooban yihiin madaxtooyada iyo nawaaxigeeda, Waxaana Xasan Cali kheyre balan qaaday in dhawaan uu ka guuri doono madaxtooyada oo uu xafiiskiisu ku shaqayn doono meel ka mid ah magaalada, si taas la mid ahna golihiisa wasiirada ayuu ku amray in ay ku shaqeeyaan xurumihii hore wasaaradaha.

Maadaama raisal wasaaraha soomaaliya dhowr jeer uu ku celiceliyey In ay la dagaalamayaan musuq maasuqa ayaan weydiinay cid ilaa iyo hadda ay usoo qabteen si uu uga jawaabo su’aasheena waxa uu isweydiiyey dhowr su’aal.

Xasan Kheyre “ musuq maasuqu dhab ma naga yahay? Haa in aan ka shaqayno, dad ma loo xirxiray? Haa waa loo soo xiray, dad badan ma yihiin? Maya ma ahan, shaqadeedii ma wadnaa? Haa, maxaa talaabo ugu horeeya? horta Baarlamaanku waa in ay sharciga soo ansixiyaan markay soo ansixiyaan waxa uu nasiin doonaa guddi dhan oo shaqadoodu tahay in ay dabagalaan musuq maasuqa awoodna u leh dadka in ay maxkmad keenaan”

Habka shaqaaleysiinta dowladda oo dadku aamisan yihiin in aysan cadaalad ku dhisnayn ayuu sheegay Xasan kheyre in uu wax ka badalayo isaga oo balan qaaday in Agaasimayaasha guud ee wasaaradaha xoghayaasha joogtada ah ay xayeysiin doona bilaha soo socda loona tartami doono.

Dhawaan Itoobiya waxaa laga keenay maxaabiis soomaali ah oo muddo dheer ku xirnaa, hadda waxa ay ku sugan yihiin xarun ay maamusho dowladda Soomaaliya oo muqdisho ku taala Warbaahinta ayaa markale raisal wasaaraha weydiiyey waxa ay ka yeelayaan maxaabiistaas.

“Arrinkii maxaabiista, maxaabiistii waa ay joogaan waxaana rabnaa in ay maraan nidaam lagu kala hufo lagu ogaado xaaladda ay ku jiraan familadooda cidda aan la garanayn lagu raadiyo laakiin waxaan rabaa in aan idiin sheego waxaa jira maxaabiis badan oo Soomaaliyeed oo ku xiran meelo kala duwan, kuwa laga keenay itoobiya oo kaliya ma ahan waxaan la sixiixanay hadda heshiis dowladda Hindiya  oo wasiirkeena arimaha dibadda uu tagay haddana shaqo kaga wado oo aan rabno in aan kusoo celino, maxaabiis badan ayaa nooga xiran oo meelo kala duwan oo ay Siishalis ka mid tahay oo aan wada hadal kula jirno, ay Ka mid tahay Tanzaaniya oo ay ka mid tahay Uaganda oo ay ka mid tahay Cumaan waxaan rabnaa in aad nagala shaqaysaan arimaas oo dhan oo xukuumadda ahmiyad gaar ah uleh oo aan rabno bilaha soo socda in aan soo dhammaystirno”

Kulan su’aale weydiinta ah ee xukuumaddu ay ugu yeertay saxaafadda oo ahaa kii ugu horeeyey ee su’aalo toos ah la weydiinayo ayaa warbaahinta soomaalida u ahayd fursad fiican oo ay xukuumadda kaga heli kareen xogo ay u baahnaayeen, inkasta oo raisal wasaaraha iyo golihiisa wasiiradu ay su’aalo badan ka jawaabeen, haddana waxaa jiray culays wariyaasha uga imaanayey xubnaha xafiiska raisal wasaaraha u qaabilsan saxaafadda kuwaas oo dhowr jeer isku dayey in ay caburiyaan wariyaasha waxaana u sahlayey in ay garwadeen ka ahaayeen Barnaamijkan su’aalo weydiinta ahaa.

HALKAAN HOOSE KA DHAGEYSO