AKHRISO:-Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya oo si caro leh uga hadlay dhiibitaanka Sarkaalkii ka tirsanaa Jabhada ONLF Cabdikarin Sheekh Muuse.

0

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa siyaabo kala duwan waxa ay uga hadleen sarkaal ka tirsanaa Jabhada ONLF oo lagu magacaabo Cabdikarin Sheekh Muuse (Qalbi) oo dawladda Soomaaliya u dhiibtay dawladda Itoobiya.

Xildhibaanada ka hadlay dhiibitaanka Sarkaalkan ayaa waxaa ka mid ah Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac, Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi iyo Xildhibaan Axmed Fiqi, Xildhibaanada ayaa waxa ay barahooda Facebook soo dhigeen qoraaladan soo socda oo ay uga hadlayaan dhacdadan.

Xildhibaan Cabdi Shire Jaamac ayaa yiri “Warka Qalbi-dhagax hadduu dhab, Yahay in cadaawe loo dhiibay walee dhibi waa xigi iyo xaafadaha ka soo baxa!”

Xildhibaan Sakariye Maxamuud Xaaji Cabdi ayaa yiri”ASALAAMU CALAYKUM WARAXMATULAAHI TACAALAA WABARAKAATUH. Kadib markii aan xaqiijiyay Falkii lagu Eedaynayay Dowlada, Inaali laahi wa inaa ilahyi raajicuun”” Waxaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa falka xun oo khayaanada Qaran ah oo dawladda Soomaaliya madaxdeedu u bareertay ka dib markay caddaatay inay Mawaaddin Soomaali ah u gacan gelisay cadow shisheeye ah oo caawa hilbahiisa ay cunayaan waraabayaal gumayste kan ugu fool xun ah.

Waxaan naftayda iyo inta waddaniyiinta ahba ka beri yeelayaa falkaas dabaqoodhinimada iyo basaasnimada ah, Mana ahan Falkan Foosha xun Mid layskaga Daba hari Doono Shacabka iyo wadaniyiinta Soomaaliyeed inteey Naftu ku jirto waa in la la xisaabtamaa Ragga khiyaanada Qaran Sameeyay.

 

Xildhibaan Axmed Fiqi ayaa isagana dhankiisa waxa uu yiri, Warkii Dhibbane Qalbi Dhagax waxaa noo caddeeyey ONLF, ka dib markii ay dawladdeenii yaxyax la aamustay. waxaa noo eg inaan calanka Soomaaliya oo hoostiisa uu ammaan ka soo baday dhibbanahaas Balse ammaan galin waayey in muddo hoos loo dhigo, waana ceeb Soomaali oo dhan u soo hoyatey.

Sida aan ka warqabno wadamo badan oo adduunka ku yaalla ayuu C/karim nabadgalyo ku heli lahaa haddii uu aadi lahaa, waa ayaandarro iyo wax aan la eegan karin in qof Soomaali ah loo gacan galiyo nidaam uu naftiisa kala soo cararay, ayadoo qawaaniinta adduunka iyo dastuurka dalkuba uu xaq u siinayo in uu Soomaaliya si xor ah ugu noolaado.

Ka xildhibaanno ahaan hawl weyn ayaa noo taalla, dalku kow ma joogo, waxaana soo kordhay arrimo qaamuuskaba aan noogu jirin

 

Dhinaca kale mid kamid ah Wariyeyaasha idaacada  VOA  laanteeda afka Soomaaliga Haaruun Macruuf ayaa waxa uu sheegay in Taliyaha Nabadsugidda Qaranka Cabdullaahi Maxamed Sanbaloolshe uu u xaqiijiyay dhiibitaanka sarkaalkan ka tirsanaa Jabhada ONLF Cabdikarin Sheekh Muuse (Qalbi), waxa uuna yiri “BREAKING; The Somali Intel chief Abdullahi Mohamed Sanbalolshe confirms that ONLF official was “transferred” to Ethiopia.

Isku soo wada duuboo ma’ahan markii ugu horeysay ee Sarkaal ama Askari ka tirsan Jabhada ONLF loo dhiibo dawladda Itoobiya, balse waa markii ugu horeysay ee ay Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya si caro leh uga hadlaan in Sarkaal ka tirsan Jabhada ONLF loo dhiibo Dawladda Itoobiya.

Waxii Ka Soo Kordha Warkan Kala Soco Allgalgaduud Media