TOP NEWS:- Maraykanka oo ka digay in Ciidamada AMISOM xilligan ka wada baxaan Soomaaliya

0

Sarakaal Sare oo ka tirsan Taliska Ciiddanka Maraykanka ka jooga Qaraadda Afrika ee AFRICOM ayaa sheegay inaan weli la gaarin xilligii ay Ciiddanka AMISOM ka wada huleeli lahaayeen Somalia.

Sarkaalkaasi  oo  aan la shaacinin magaciisa, ayaa Saxaafadda kula hadlay Xarunta Dhexe ee AFRICOM ku leeyihiin magaalladda STUTTGART ee dalka Jarmalka, wuxuuna tilmaamay  in ay waajib tahay in Bixitaan kasta ee Ciiddanka AMISOM noqdaan kuwo si aayar ah ku dhaca, laakiinse si xeelladaysan loo hubiyey.

“Somalia waa sidii ilmo weli aad u yar, una baahan inay Saxaiibadda garab galaan” ayuu yiri Sarkaalka Sare ee u hadlay Taliska Ciiddanka Maraykanka ee ADRICOM.

Sarkaalkaasi oo aan magaciisa la shaacinin  waxa kaloo uu carrabka ku dhuftay  in xaalladda Ammaanka ee Somalia weli tahay mid si fudud ku burburi karta, waa sida uu hadalka u yiri.

Waxa uu ka digay in bixitaan kasta ee Askarta AMISOM ku dhaqaaqaan uu dhabar-jab weyn ku noqon doono xaqiijinta Guulaha waa weyn ee laga gaaray Ammaanka Somalia.