TOP NEWS:- Safarka Madaxweyne Farmaajo uu ku tagi lahaa Garoowe oo Hal Arrin darteed loo baajiyay

0

Safarkii qorsheysnaa ee Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ku tagi lahaa Puntland ayaa dib u dhac ku yimid, sababo la xiriira qalalaasaha siyaasadeed ee ka jira maamulka Puntland.

Ilo ku dhow dhow Madaxtooyada Soomaaliya ayaa xaqiijinaya inuu baaqday safar lagu waday Madaxweynaha uu ku tago todobaadkan magaalada Garowe, kaddib markii maalmo ka hore la riday Golihii Xukuumadda Puntland.

Xubno ka tirsan Wasiiradii la riday ee Puntland oo qeyb ka ahaa Guddi ka shaqeynayay soo dhoweynta Madaxweyne Farmaajo ayaa la sheegay inay dalbadeen in laga saaro guddigaas.

Madaxtooyada Puntland ayaa la sheegay inay xiriir la sameysay Xafiiska Madaxweynaha Soomaaliya, iyagoo ka dalbaday in dib loo dhigo safarkaas, inta laga xalinayo xiisada siyaasadeed ee ka jirta Puntland.

Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas ayaa wajahaya cadaadis xooggan oo uga imaanaya Baarlamaanka maamulkiisa iyo dhinacyada dhaliilsan siyaasadiisa.

Sidoo kale Madaxweynaha Puntland ayaa waxaa laga sugayaa inuu wada tashi ka sameeyo magacaabista Golihiisa Wasiirada, iyadoo ay ku soo fool leedahay munaasabada 1 Agosto oo ku beegan 19 guuradii aas aaska Maamulka Puntland.

Talaadadii la soo dhaafay ayay aheyd markii Baarlamaanka Puntland uu codka kalsoonida kala laabtay Golaha Wasiirada, kaddib markii ay ku eedeeyeen waxqabad xumo.