TOP NEWS:-Maamulka Jubbaland oo sheegay inay baarayaan duqeyn ay dad rayid ah ku dhinteen

0

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa sheegay inay baaritaan ku sameyn doonaan qasaaraha ka soo gaaray dadka rayidka ah duqeyn xalay loo geystey deegaan dhinaca Galbeed ka xiga magaalada Kismaayo.

Maxamuud Sayid Aadan Madaxweyne ku xigeenka  Jubbaland oo wareysi siiyay idaacada Codka Maraykanka ayaa sheegay in ay ka warqabeen duqeynta xalay loo geystey deegaanka Qabri Shariif oo dhinaca galbeed ka xiga magaalada Kismaayo balse ay baarayaan in ay waxyeelo ka soo gaartay dad rayid ah.

“Mar walba waan ka warqabnaa duqeymaha loo geysto ALshabaab,waxaana la bartilmaameedsadaa saldhigyada ay ka soo duulaan Shabaabka,gaadiidka ay ku safraan iyo meel walba oo joogaan.”ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Jubba Maxamuud Sayid Aadan.

Diyaarad dagaal loo maleynayo kuwa aan duuliyaha laheyn ee Drone-ka oo uu leeyahay Mareykanka ayaa xalay fiidkii duqeyn ka geystay deegaan dhaca galbeedka magaalada Kismaayo.

Wararka ayaa sheegaya in duqeynta ay sababtay dhimashada illaa shan ruux iyo xoolo u badan geella.Dadka dhintay ayaa waxaa ku jira saddex carruur oo gantaal kula dhacay guri ay ku jireen deegaan lagu magacaabo Qabri Shariif.