DHAGEYSO:- Taliye Cali Gaab “Afar Sano gudahood ciidamada Amisom shan boqol oo shil ayey Geysteen Sharcigana kama ay weyna”.

0

Wareysi gaar ah oo Taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka Jeneral Cali Xirsi uu siiyey Warbaahinta gudaha dalka ayaa waxa uu kaga warbixiyey inta ay gaarsiisan tahay dhibaatada ka dhalata shilalka ay geystaan Gaadiidka Amisom iyo sida ay ku xaliyaan arintaas.

Jeneraal Cali gaab ayaa sheegay Afar sano gudahood Amisom ay geysteen shan Boqol oo shil oo qaarkood dad ay ku dhinteen, waxa uuna intaa raaciyey in ay jiraan dad badan oo aan wali hellin wax magdhow ah.

“Malihi aniga Ciidamada Amisom weey wanaagsan yihiin si fiican ayey wax u maamuleen laga soo bilaabo 2011 ilaa 2015,Shan Boqol oo shil ayey galeen in badan weey diideen weyna ka carareen waxana ugu weynaa Ninkii Tagsiilihii ahaa oo Hotelkii Ambasador Horteeda ay Sisharcidaro ah u jireen ayna ka carareen balse aan ku qabanay Agagaarka Xamar-Bile kuwaas oo sidii loo baahnaa aan wax u bixin ayuu yiri taliyaha.

Habeen ka hor mid ka mid ah Gaadiidka dagaalka ee Amisom ayaa jiiray Mooto Bajaaj mareysay Wadada Taleex ee Muqdisho, Taliyaha Taraafikada ayaa cadeeyey in Amisom wax magdhow ah aysan ka bixin Mootadii ay dhibka u geysteen balse isaga iyo Gudoomiyaha Degmada Hodan ay bixiyeen lacagtii lagu qiimeeyey khasaaraha dhacay.

“Xalay shilkii ka dhacay Wadada Taleex Meesha taaga ah oo Amisom ay geesteen khasaarihiisii ka dhashay aniga iyo Gudoomiyaha degmada hodan ayaa qeybsaday kadib markii in badan laga wada dooday ayuu hadalkiisa intaas sii raaciyay taliye Cali Gaab.

Ugu dambeyntii Taliyaha Taraafikada Jeneraal Cali gaab waxa uu sheegay in Amisom aysan sharciga dalka ka weyneyn islamarkaana lagula xisaabtami doono khasaaraha ka dhasha shilalka ay geystaan isaga oo dhinaca kalana dadka ka codsaday in aysan siyaasadeyn shalalka Amisom.

“Waxaaba dhici karta inaanan mandheynkaba ku jirin qaadashada baabuurtooda balse dalka aad timaado oo aad ka Shaqeyneyso Shuruucda Aduunka sida ay qabto Askari ajnabi ah oo dalka u yimid howlgal oo dalkeena ku dhimanaya oo ku dhibaatoonaya in Siyaasad laga dhigo Shaqadiisa arimo sax ah maahan marka yaan laga dhigin yaan laga dhigin Siyaasad ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay taliyaha Ciidamada ilaalada wadooyinka Jeneral Cali Xirsi( Cali Gaab).

Waxaa jiray shilal badan oo ay geysteen Gaadiidka Amisom oo sababay dhimashada dad shacab ah iyo sidoo kale naafo jireed shilalkaas oo qaarkood ka dhacay meel ka baxsan Magaalada Muqdisho.

HOOS KA DHAGEYSO