DHAGEYSO:- Madaxweynaha Kenya oo ku dhawaaqay dagaal ka dhan ah Kooxda Argagixisada ah ee Al Shabaab.

0

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa ku dhawaaqay howlgal ka dhan kooxda Alshabaab.

Isagoo ka hadlayay oo ka hadlayay weeraro is daba joog ah oo ay Alshabaab ku qaaday degaanka Lamu iyo degaanada Waqooyi Bari Kenya ayaa Booliska dalkiisa ugu yeeray inay dilaan ciddii Alshabaab ah.

Uhuru Kenyatta ayaa u sheegay inay booliska inay dilaan kadibna aasaan meydkooda maleeshiyada Alshabaab, isagoo sheegay in howlgal amni oo weyn laga bilaabi doono Kenya.

Uhuru Kenyatta ayaa hadalkan ka jeediyay maanta degaanka Kizingitini ee Lamu, wuxuuna isagoo careysan sheegay inaan wax naxariis ah loo gelin maleeshiyada Shabaab ee dadka Kenyaatiga ah dhibaatada ku heysa.

 

 

HOOS KA DHAGEYSO