DHAGEYSO:- Faah Faahino ka soo baxayo dagaal khasaaro geystay oo ka dhacay degaanka Bulo Yareey

0

Deegaano u dhaxeeya Xadka ay kala qeybiyaan Gobolada Shabeellaha hoose iyo Shabeellaha dhexe dhanka degmada Balcad waxaa saacadihii la soo dhaafay ka dhacayay dagaalo geestay khasaao isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Daahir Cali Saalax oo ka mid ah Odayaasha Dhaqanka ee deegaanka buulo Yareey Sheekhaal oo ah halka uu dagaalka ka dhacay ayaa sheegay in ay weerar ku soo qaadeen deegaankooda Ciidamo uu watay gudoomiyaha Maamulka degmada Balcad Cismaan Maxamuud Xaadoole.

Waxa uu sheegay in dagaalkaas ay ku geeriyoodeen ila 4 ruux oo labada dhinac ah waxa uuna sheegay in dagaalkas uu yahay mid u dhaxeeya laba Beelood taasina ay keentay in ay dagaalka qeyb ka noqdaan ciidamo uu watay gudoomiyaha degmada Balcad.

Hoos ka Dhageyso Codka:-