DHAGEYSO:- Xildhibaan Xidig “ Askariga Dable Waa in mushaar ahaan loo siiyaa 500 dollar hadii kale amniga dalka ma hagaagaya”..

0

Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig oo ka tirsan Baarlamaanka Somaliya ayaa si kulul u weeraray Dowladda Somaliya, isaga oo sheegay dowladda inaysan daacad ka aheyn arimaha ku aadan suggida ammaanka dalka.

Xildhibaanka ayaa suggida ammaanka dalka inay ka shaqeeyaan ciidamada ammaanka, laakiin ciidanka askari kasta looga dhigay Mushaar ahaan $100 Doolar, halka shaqaalaha rayidka ee Dowladda ay qaataan lacag aad u badan.

Waxa uu sheegay Xidig Dowladda Somaliya inay sheegto muhiimada koowaad iyo labaad inuu yahay amniga, haddana aysan muuqan sife cad oo amniga loogu dadaalaayo, maadaama dhaqaalaha ciidanka ay qaataan uu yahay naftooda aanan kaamili karin.

“Wadankeena mudnaanta koowaad iyo labaad waa amniga, haddana amniga anaga ayaa indhaha ka tuureynaa, yaa amniga ilaaliya Madaxweyne miyaa ilaaliye, Wasiir miyaa illaaliya, Xildhibaan miyaa ilaaliya, Agaasime miyaa ilaaliya? Ciidamo ayaa illaaliya, maxaynu ciidamada u xaqiraynaa, waa kuma qofka maanta Somaliyed ee Somaliya jooga ee Boqol doolar isaga iyo xaaskiisa ku noolaan karo, maxaynu u oranaynaa ciidamada ayaan muhiimada siinaynaa, Shaqaalaha rayidka qofka (A) wuxuu qaataa Kun doolar iyo ka badan
(B) Wuxuu qaataa Todobo boqol iyo ka badan (C) wuxuu qaataa Afar boqol iyo ka badan waxayna ku jiraan Mukeyf Kobashiin ayeey cabaan gaari ayaa u yaal, Askariga furunta joogana waxaa la leeyahay Boqol doolar ha qaato ma suuragaleyso, haddii ay dhab tahay in amniga dalka aan ka hadalno oo ciidamada ay shaqeeyaan, Boolis, Nabad Suggida Asluubta inuu la mid noqdo ugu yaraan qof (C) oo lacag dhan Shan boqol oo doolar uu qaataa.” Ayuu yiri Xildhibaan Xidig.

Hadalkaan ayaa Xildhibaanka wuxuu ka sheegay xarunta Golaha Shacabka ee Magaalada Muqdisho, halkaasi oo shalay Wasiirka Maaliyadda uu ku faah-faahinaayay miisaaniyada Dowladda.

Askariga ka tirsan ciidanka Somaliya, ayaanan ku filnayn mushaarka yar ee uu qaato, taasi oo keenaysa in shaqada suggida ammaanka ay hoos u dhacdo, maadaama askari gaajaysan ay adag tahay inuu shaqada ku dadaalo.

HOOS KA DHAGEYSO